Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Dr. Raymond Omollo ayaa sheegay in amniga si wayn loo adkeeyay ka hor u dabbaal degga maalinta qaran ee Jamhuri Day oo sanad kasta Kenya laga xuso 12-ka bisha 12-aad ee Diseembar.
Xuskan ayaa la xiriira xilligii ay Kenya noqotay dal madax bannaan ka dib guumaysigii Ingiriiska.
Dabbaal degga ugu wayn ee maalinta Jamhuri Day ee sanadkan ayaa lagu qaban doonaa fagaaraha Uhuru Gardens ee magaalada Nairobi.
Raymond Omollo ayaa sheegay in ilaa 30,000 oo qof ay ka qayb geli doonaan xuskan qaran oo noqonaya midkii 60-aad.
Sidoo kale marti sharafta ka qayb galaysa xuska qaran ee Jamhuri Day waxaa ka mid ah ugu yaraan saddex madaxweyne oo ka imaanaya dalalka kale ee caalamka.