Baarlamaanka oo qorsheynaya dejinta xeer burcadnimada u aqoonsanaya fal argagixiso

0
204

Golaha qaran ee xeer dejinta ayaa shacabka ku nool Waqooyiga Gobolka Rift Valleyu xaqiijiyay inuu soo saari doono xeer burcadnimada iyo dhaca xoolaha u aqoonsanaya inay la mid yihiin falal dambiyeedyada culus sida argagixisada.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaaday guddoomiyaha guddiga baarlamaanka dalka u qaabilsan amniga gudaha iyo maamulka qaran, Gabriel Tongoyo.
Siyaasigan ayaa hoosta ka xarriiqay in xilligii doorashadii guud ee ugu dambeysay , in ka badan 600 oo qof ay ku dhinteen falal burcadnimo oo ka dhacay aagga Kerio Valley.
Tiradan ayuu ku tilmaamay mid ka badan shakhsiyaadka ay galaafteen falalka argagixisannimo.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in marka la eego tirada dadka lagu dilo falalka burcadnimo ee dhaca xoolaha, in arrimahan aynan sii socon karin.