Madaxweynaha dalka oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Lesotho

0
210

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa maanta xarunta madaxtooyada ee State House ee magaalada Nairobi ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha wadanka Lesotho ,Sam Matekane oo Kenya booqasho ku joogo.
Matekane ayaa ka mid ahaa wufuud heer sare ah oo shalay xarunta shirarka caalamiga ee KICC uga qayb galay shirka isku xirka dhallinyarada Afrika ee YouthConnekt Africa Summit.
Hoggaamiyaha dalka iyo Ra’iisul Wasaaraha Lesotho ayaa wada hadallada ay maanta yeesheen diiradda ku saaray in la maalgeliyo oo awoodsiin loo sameeyo da’yarta.
William Ruto ayaa sheegay in dhallinyarada ay yihiin wakiillada ay u baahan tahay Afrika si ay u gaarto isbeddel wayn oo mid dhaqaale iyo bulsho labaduba ah.
Hoggaamiyaha dalka ayaa xusay in waddamada Kenya iyo Lesotho ay wadaagaan fahan qoto dheer oo ah in mustaqbalka Afrika uu ku jiro maalgelinta dhallinyarada.