3 qof oo looga shakiyay dhaca xoolaha oo lagu dilay Isiolo

0
221

Saddex qof oo lagu tuhmay falalka lagu dhaco xoolaha ayaa looga takhalusay ismaamulka Isiolo.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in sidoo kale xalay dib loo soo celiyay xoolo aan tiro ahaan la cayimin oo horay looga dhacay aagga Kob Dertu, Madoyaq iyo Garbatulla oo ka tirsan dowlad deegaanka Isiolo.
Tani ayaa timid ka dib iskudhac dhex maray shacabka iyo kooxo burcad ah.
Ku xigeenka dowladda dhexe ku matalo degmada Garbatulla ,Stephen Nyakundi ayaa sheegay in 1,400 oo neef oo ari ah horay looga soo dhacay ismaamulka Samburu oo Isiolo daris la ah.
Mr. Nyakundi ayaa intaasi ku daray in dadweynaha iyo laamaha ammaanka ay iska kaashanayaan sidii gacanta loogu dhigi lahaa burcadda iyo in la soo celiyo xoolaha la dhacay.
Waxaa uu bulshada ugu baaqay inay si gaar ah bishan 12-aad uga feejignaadaan kooxaha burcadda ah.