Xuutiyiinta Yemen oo sheegay inay beegsan doonaan maraakiibta ku wajahan Israa’iil

0
198

Kooxda Xuutiyiinta ee ka dagaallanta wadanka Yemen ayaa ku hanjabtay inay weerarro ku bartilmaameedsan doonto dhamaan maraakiibta ku wajahan Israa’iil.
Waxay hoosta ka xarriiqday in aynan tixgelin doonin waddamada maraakiibtan laga leeyahay .
Xuutiyiinta ayaa shirkadaha caalamka ee maraakiibta uga digay inay la macaamilaan dekadaha Israa’iil.
Afhayeen u hadlay kooxdan ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in hadii Qaza aan la geyn cuntooyinka iyo daawooyinka halkaasi looga baahan yahay inay weerar ku qaadi doonaan markab kasta oo u socdo dhanka Israa’iil.