Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Ugu yaraan 6 qof oo lagu dilay Daanta Galbeed

Ugu yaraan 6 qof oo lagu dilay Daanta Galbeed

Wasaaradda caafimaadka ee dalka Falastiin ayaa sheegtay in weerarro ay ciidamada Israa’iil ka fuliyeen Daanta Galbeed in lagu dilay ugu yaraan 6 ruux.
Waxaa falalkaasi ku dhaawacmay dhowr qof oo kale.
Weerarrada ayaa la gaystay xalay iyo saaka.
Dhanka kale mas’uul u hadlay aqalka cad ee looga arrimiyo Maraykanka ee White House ayaa sheegay in xukuumadda Washington aynan Israa’iil u qaban muddo kama dambeys ah oo ay ku soo afjaraysa duullaanka militari ee ay ka wado marinka Qaza.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo golaha ammaanka ee qaramada midoobay ee UNSC uu maanta yeelanaya kulan ku saabsan in xabbad joojin ay ka dhaqan gasho Qaza.
Waxaa sidoo kale lagu soo warramayaa in Israa’iil ay weli duqeymo ka gaysanaysa Waqooyiga, Bariga iyo Koonfurta Qaza iyadoo 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay la dilay ku dhawaad 350 qof.
Meelaha ay militariga Israa’iil geeyeen taangiyada dagaalka iyo baabuurta gaashaaman ee aynan xabbadu karin waxaa ka mid ah degmada Shujaiya ee Qaza.
Militariga Israa’iil ayaa bayaan uu dhawaan soo saaray ku sheegay inuu gudaha marinka Qaza ka sameeyay 450 oo bartilmaameedsi ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments