Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Wasiirka gaadiidka oo ku hanjabay inuu dacwad ka gudbinaya senatarka Nandi

Wasiirka gaadiidka oo ku hanjabay inuu dacwad ka gudbinaya senatarka Nandi

Wasiirka wasaaradda waddooyinka iyo gaadiidka ee dalka Kipchumba Murkomen ayaa ku goodiyay inuu maxkamadda geyn doono dacwad cabasho oo ka dhan ah senatarka ismaamulka Nandi ,Samson Cherargei.
Murkomen oo uu matalaya qareenkiisa ayaa warqad u qoray senatarka.
Waxaa uu ka dalbaday inuu raalli gelin ka bixiyo arrin uu Cherargei sheegay oo ahayd in wasiirka uu soo qaatay laaluush dhan 15.3 bilyan oo shilin intii u dhexeysay bishii 6-aad ilaa bishii Tobnaad ee sanadkan xilli uu tagay dalka Shiinaha.
Senatar Cherargei ayaa intaasi ku daray in cidda laaluushkan bixisay ay doonaysay inay saameyn ku yeelato bixinta qandaraasyada ay wasaaradda ku dhisto waddooyinka.
Hasa ahaate wasiirka gaadiidka ee dalka Kipchumba Murkomen ayaa eedeynta uu senatarka Nandi 24-kii bishii hore uga jeediyay shir jaraaid ku tilmaamay mid been abuur ah.
Waxaa uu sheegay in siyaasigan uu dhaawacay sumcadiisa sidaasi awgeedna uu raalligelin ka dalbanaya ka hor inta uunan qaadin tallaabada sharciyeed ee xigta.
Warqadda loo qoray senatarka Nandi waxaa ku cad inuu Murkomen qaab qoraal ah ku raalligeliyo oo uu shir jaraaid ka sheego inuu qaldamay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments