Golaha ammaanka ee qaramada midoobay ayaa lagu wadaa inuu maanta yeesho shir ku saabsan xaaladda ka taagan Qaza.
Waxay tani imaanaysa iyadoo dalalka caalamka ay golahan ugu baaqayaan inuu ku dhawaaqo in xabbad joojin ay ka dhaqan gasho Qaza.
Hasa ahaate waxaa arrinkan ka soo horjeeda Maraykanka oo ah xubin awoodda diidmada qayaxan ku leh golaha UNSC.
Israa’iil ayaa dhanka kale weli duqeymo ka wado marinka Qaza iyadoo ay hoos u sii dhacayaan adeegyada isbitaallada iyo hay’adaha samafalka duullaanka militari ee socdo awgeed.
Ugu yaraan 17,177 qof oo Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerarrada Israa’iil ee Qaza tan iyo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkan.