Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa maanta xarunta madaxtooyada ee State House ee magaalada Nairobi ku qaabilay 11 safiir oo waddamo kala duwan ku matali doono Kenya.
Waxaa uu ka guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirenimo isagoo xusay in xiriir wanaagsan oo Kenya kala dhexeya dalalka kale ee caalamka ay muhiim u tahay qorshaha horumarineed.
Waxaa uu tilmaamay in maamulkiisa uu sii xoojin doono xiriirka caalamiga si sare loogu qaado ganacsiga iyo maalgashiga oo looga faa’iido fursadaha jira.
Hoggaamiyaha dalka ayaa sheegay in Kenya ay u baahan tahay saaxiibbo iyo maalgashato dardargelin kara dhaqangelinta yoolalka horumarineed.
Safiirrada uu madaxweyne William Ruto ka guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirenimo ayaa kala ah Ibra Hussain Khan (Pakistan), Maxamad bin Mutair Ammash (Qatar), Bernard Yohana Kibesse (Tanzania), Nasra Salim Maxamad Al Hashmi (Oman), Jibriil Ibraahim Cabdulle (Somalia), Ali Gholampour (Iran) ,Jenny Da Rin (Australia),Barlybay Sadykov (Kazakhstan), Daniel Schear (Estonia), Ignacio de Cossio Perez de Mendoza (El Salvador), iyo Fidelia Graand-Galon (Suriname).
Danjireyaasha ayaa sheegay inay ka go’an tahay ka shaqeynta sidii xiriir wanaagsan uu uga dhexeyn lahaa Kenya iyo dalalkooda.
Waxay hoosta ka xarriiqeen in dhinacyada la iska kaashan doono ay ka mid yihiin ganacsiga , maalgashiga,dhaqaalaha badaha, horumarka casriga ah iyo kuwo kale.