DHAGEYSO:Dowladda oo dib u habeyn ballaaran ku sameynaysa booliiska keydka

0
226

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa sheegay in dowladda dhexe ay guda geli doonto dib u habeyn ballaaran oo lagu sameynaya ciidamada booliiska ee keydka ee NPR.
Waxaa uu xusay in wixii hadda ka dambeeya ay saraakiishan ka amar qaadan doonaan hoggaamiyaasha sare ee amniga.
Sidoo kale waxaa uu hoosta ka xarriiqay in keliya aynan ku sugnaan doonin deegaannada hoose balse ay booliiska iyo ciidamada difaaca kala shaqeyn doonaan cirib tirka kooxaha burcadda ee gaysta dhaca xoolaha iyo falal dambiyeedyada kale.
Wasiirka ayaa xilli uu ku sugnaa deegaanka Waqooyiga Baringo sheegay in dowladdu ay kordhin doonto booliiska keydka ee ka howlgalo gobolka Rift Valley.
Sidoo kale waxaa uu madaxda la soo doortay uga digay inay siyaasadeeyaan arrimaha ammaanka.
Dib u habeynta lagu sameynaya saraakiisha NPR ayuu tilmaamay inay ka dhigi doonto kuwa ka madax bannaan in loo adeegsado dano siyaasadeed.