Maraykanka oo xayiraado saaray Ruushka

0
410

Dowladda Maraykanka ayaa xayiraado kala duwan ku soo rogtay Ruushka.
Tani ayaa loo aaneeyay in xukuumadda Moscow ay faragelin ku sameysay doorashadii madaxtinimo ee sanadkii hore ka dhacday Maraykanka ee uu ku soo baxay Joe Biden.
Eedeymaha ayaa salka ku haya weerar dhanka intarneetka , handadaadda dowladda Ukraine iyo falal kale oo khiyaano lagu tilmaamay.
Maraykanka ayaa xayiraaddan dul dhigay shirkadaha Ruushka sidoo kale waxaa uu dalkiisa ka eryay dibloomaasiyiinta Ruushka halka bangiyada Maraykanka laga mamnuucay in ay amaah siiyaan bangiga dhexe ee Ruushka, sanduuqa hantida qaran ee dalkaas iyo wasaaradda maaliyadda.
Xukuumadda Washington ayaa Ruushka u dirtay digniin ah in ay suurtagal tahay in tallaabooyin dheeraad ah laga qaado in kasto aynan diyaar u ahayn in xiisadda ka dhex jirto ay sare u sii kacdo.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Ruushka ayaa si caro ah uga jawaabtay xayiraadda.
Waxay dib ugu yeeratay safiirkeedii Maraykanka si loogu wargeliyo tallaabooyin falcelin ah oo ay qaadayso xukuumadda Moscow.