Waxaa lagu soo warramayaa in weerar loo adeegsaday diyaarad aan duuliye lahayn oo ay fuliyeen ciidamada militariga ee Nigeria in lagu dilay 85 ruux oo rayid ah.
Weerarkaasi ayaa lagu bartilmaameedsanayay koox fallaago ah.
Balse waxay waxyeello ka soo gaartay shacab ka qayb galayay dabbaal deg diimeed sida laga soo xigtay maamullada Nigeria.