Ugu yaraan 14 ruux ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen shil bas oo laga soo tabiyay Koonfurta dalka Thailand.
Booliiska ayaa sheegay in baska uu waddada ka baxay ka dibna uu geed wayn ku dhacay ka hor inta uunan gadoomin.
Waxaa shilkaasi ku dhaawacmay 32 qof oo kale.
Baska oo ka mid ah baabuurta u safro meelaha fog ayaa ka yimid magaalada Bangkok wuxuuna ku wajahnaa degmada Nathawi ee gobolka Songkhla.
Shilka ayaa dhacay abaare 1-dii habeenimo ee xalay xilli uu marayay gobolka Prachuap Khiri Khan wuxuuna baska siday 46 qof oo rakaab ah.
Sawirro lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinaya qaybta hore ee baabuurka oo labo qayb u kala go’aday.
Booliiska Thailand ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay inay baarayaan in darawalka baska uunan helin hurdo ku filan ka hor inta uunan safarka guda gelin.
Sidoo kale waxaa la xaqiijinaya in dadka dhintay ay ka mid yihiin ajaaniib.
Thailand ayaa ka mid ah meelaha caalamka ee ay shilalku ku badan yihiin waxaana sanad kasta dhacdooyinka shilalka gudaha wadankaasi ugu dhinta 20,000 oo ruux sida laga soo xigtay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO.
Bishii Toddobaad ayay ahayd markii 4 qof ay shil ku dhinteen halak 34 kalena ay dhaawacmeen ka dib markii bas dadkan siday uu waddada ka baxay xilli uu marayay degmada Phu Sing ee Waqooyiga Bari ee Thailand.
Sanadkii 2014, waxaa shil bas ku dhintay ugu yaraan 15 ruux oo u badnaa arday ka dib markii baskii ay saarnaayeen iyo baabuur xamuul ay isku dhaceen.