William Ruto oo sheegay inuunan is casili doonin

0
458

Ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in uunan iska casili doonin xilka uu ka hayo dowladda dhexe in kastoo uu wajahaya cadaadis kaga imaanaya qaar ka mid ah saraakiisha dowladda iyo madaxda mucaaradka.
Ruto oo xalay wareysi gaar ah siiyay talefishinka maxalliga ee Citizen ayaa carrabka ku adkeeyay in la soo doortay sidaas awgeedna shakhsiyaad dano gaar ah leh aynan xafiiska ka saari karin.
Waxaa uu sheegay in ay jiraan shakhsiyaad doonaya inuu is casilo si ay u dabaal degaan.
Ku xigeenka madaxweynaha dalka ayaa intaa ku daray inuu diyaar u yahay in sanadka 2022-ka uu u tartamo hoggaanka ugu sarreeya dalka hadii uu taageero siyaasadeed ka helo madaxweynaha iyo hadii kale.
William Ruto oo qirtay in isaga iyo madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta aynan sidii hore u wada shaqeyn ayaa sheegay in ay caqabado jiraan .
Waxaa uu xusay in aynan jirin arrimo uu ka qoomamoonayo tan iyo intii uu noqday ku xigeenka madaxweynaha Kenya sanadkii 2013-kii.
Ku xigeenka madaxweynaha dalka ayaa sheegay in intii u dhexeysay 2013-kii ilaa 2017-kii ay 5 milyan oo Kenyaan ah u fududeeyeen helidda adeegga korontada.