Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Iiraan ,Hossein Amir Abdollahian ayaa sheegay in Israa’iil ay gudaha Qaza iyo Daanta Galbeed ka gaysanaysa dembiyo dagaal.
Waxaa uu xusay in falalkan haddii aan la joojin ay sii hurin karaan xiisadda ka taagan Bariga Dhexe.
Arrintan ayuu ka hadlay xilli uu galinkii dambe ee shalay khadka taleefoonka kula xiriiray madaxa siyaasadda dibadda ee Midowga Yurub ,Joseph Borrell.
Sidoo kale wasiirka ayaa cambaareeyay qorshaha Israa’iil ee shacabka Falastiin looga saaraya dhulkooda.
Waxaa uu ku celceliyay in loo baahan yahay in howlgallada militariga ee Qaza si degdeg ah loo joojiyo.