Xamaas oo sheegtay inaynan sii socon doonin wada hadallada kala dhexeya Israa’iil

0
286

Ururka Xamaas ee dalka Falastiin ayaa sheegay in aynan sii jiri doonin wada hadallo kala dhexeya Israa’iil ilaa iyo inta laga soo afjaraya duqeymaha weli ka socdo Qaza.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaaday ku xigeenka qaybta siyaasadda ee madaxa Xamaas Saleh al-Arouri.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in la soo afjaray wada hadalladii la isku dhaafsanayay maxaabiista ilaa inta ay Israa’iil ka joojinaysa gummaadka shacabka ee ay weli ka wado Qaza.