Ugu yaraan saddex qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen weerar toogasho ahaa oo maanta ka dhacay Galbeedka magaalada Quddus ee dalka Falastiin.
Waxaa falkaasi lagu dhaawacay 16 ruux oo kale.
Booliiska Israa’iil ayaa sheegaya in weerarka laga gaystay goob basaska laga raaco.
Waxay booliisku intaasi ku dareen inay dileen labo qof oo looga shakiyay inay ka mid ahaayeen kooxdii toogashada ka dambeysay.