Ruushka oo Xamaas uga mahadceliyay siidaynta 2 ka mid ah muwaadiniintiisa

0
293

Dowladda dalka Ruushka ayaa ururka Xamaas uga mahadcelisay inuu soo siidaayay labo haween oo wadankaasi u dhashay oo u xirnaa.
Haweenkan ayaa ka mid ahaa la –haystayaasha Qaza.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee xukuumadda Moscow ayaa sheegtay inay hoggaanka Xamaas uga mahadcelinayaan ka jawaabidda codsiyo ay si joogto ah ugu dirayeen.
Wasaaradda ayaa intaasi ku dartay inay ka shaqeyn doonto sidii loo soo siidayn lahaa maxaabiista kale ee u dhashay Ruushka.
Tan iyo markii ay heshiis gaareen Israa’iil iyo Xamaas waxaa xabsiyada laga siidaayay 210 qof.