Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa sheegtay in gacanta lagu dhigay qof lala xiriirinayo dhacdooyinka lagu waxyeelleeyo kaabayaasha dowladda oo uu ka midka yahay agabka korontada.
Howlgal ay laamaha ammaanka sameeyeen ayaa gacanta lagu soo dhigay Francis Kaiga, oo watay 1,020 kiilogaraam oo ah fiilooyinka korontada oo la rumeysan yahay inay leedahay shirkadda korontada dalka ee KPLC.
Eedeysanaha oo xabsiga loo taxaabay ayaa laga soo qabtay goob lagu iibiyo biraha oo lagu magacaabo Shallian, oo ku taalla hareeraha waddada Enterprise ee aaga waddada Gilgil ee magaalada Nairobi.
Waaxda dambi baarista ayaa dhanka kale sheegtay inay ku raadjoogta tuhmanayaal kale oo dhacdadan lala xiriirinayo.