Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo sheegay in 5 sano gudaheeda shaqo abuur loo sameyn...

DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo sheegay in 5 sano gudaheeda shaqo abuur loo sameyn doono 500 oo kun oo qof

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa mar kale bogaadiyay qorshaha ay dowladda ku dhisaysa guriyo tayo leh oo ay dadweynaha ku degi karaan qiimo ay awoodaan.
Waxaa uu sheegay in barnaamijkan oo ay hirgelintiisa socoto uu shaqo abuur u noqday kenyaan badan oo leh xirfadaha dhanka dhismaha.
Hoggaamiyaha Kenya ayaa maanta xusay in qorshaha dowladda dhexe uu yahay in 5 sano gudaheeda tirada dadka ka shaqeynaya mashruuca guriyeynta ay gaarto 500,000 oo qof.
Madaxweyne William Ruto ayaa laga soo xigtay in tirada dadka hadda ka shaqeeya dhisidda guriyahan ay tahay 100,000.
Waxaa uu tilmaamay in dowladda dhexe ay hadda dhisaysa 50,000 oo guri iyadoo lagu wado in marka la gaaro bisha Koowaad ee sanadka soo socdo , tiradan ay noqoto 90,000 oo guriyo ah.

Madaxweynaha dalka ayaa dhanka kale ka hadlay qorshaha dowladda ee lagu yareynaya qiimaha sarreeya ee maciishadda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments