Guddiga adeegga garsoorka ee JSC ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay inuu koox u xil saaray inay baaritaano ku sameeyaan eedeyn loo jeediyay mudanaha deegaanka Bariga Mumias Peter Salasya.
Tani ayaa timid ka dib markii la soo tabiyay in xildhibaanka uu u hanjabay garsooraha maxkamadda Kakamega.
Bayaanka JSC waxaa ku cad in kooxda baaritaannada sameynaysa ay sidoo kale kaashan doonto laamaha qaabilsan baaritaannada.
JSC ayaa cambaareysay falka la sheegay inuu ku kacay siyaasigan waxayna sheegtay in iskuday kasta oo lagu caburinaya madax bannaanida waaxda garsoorka uu meel ka dhac ku yahay dastuurka wadanka u degsan.
Sidoo kale waxaa hanjabaadda ka timid xildhibaanka Bariga Mumias dhaliilyay ururka ay ku mideysan yihiin garsoorayaasha dalka ee KMJA.