Wasiiradda wasaaradda dhulalka , howlaha guud , guriyeynta iyo horumarinta magaalooyinka ee dalka Alice Wahome ayaa sheegtay in shirkadaha loo shaqeeyo ay sii wadi doonaan inay howlwadeenadooda bil waliba ka jaraan boqolkiiba 1.5 ee mushaarka.
Waxay hoosta ka xarriiqday in shirkadaha loo shaqeeya ay iyagana bil waliba bixinayaan boqolkiiba 1.5.
Lacagtan ayaa lagu biirinaya sanduuqa guriyeynta ee ay dowladda dhexe ku dhisaysa guriyo tayeysan oo ay dadweynaha ku degi karaan qiimo ay awoodaan.
Wahome ayaa hoosta ka xarriiqday in lacagahan la sii bixin doono ilaa 10-ka bisha Koowaad ee sanadka 2024-ta.
Shalay ayay ahayd markii maxkamadda sare ee dalka ay dowladda u qabatay 45 cishe oo ay dib u eegis ugu sameynaysa xeerka la xiriira qorshahan si loo waafajiyo dastuurka dalka.
Garsoorayaal saddex ah ayaa dowladda ku dhaliilay inay 1-dii bishii Toddobaad ee sanadkan dhaqangelisay qorsho liddi ku ah dastuurka dalka.