Aqalka sare oo barasaabka Nairobi saaray ganaax lacageed oo ah 500 oo kun

0
203

Waxaa ganaax lacageed oo dhan 500,000 oo shilin la saaray barasaabka ismaamulka Nairobi Johnson Sakaja.
Tani ayaa timid ka dib markii uu ku guul dareystay inuu ka soo hormuuqdo guddiga aqalka sare ee wadanka u qaabilsan arrimaha waddooyinka, gaadiidka iyo guriyeynta oo u yeeray.
Guddoomiyaha guddigan ahna senatarka ismaamulka Kiambu Karungo Thangwa, ayaa sheegay in Sakaja uunan guddiga hor tagin in kastoo loo yeeray 6 mar.
Waxaa hadda laga doonaya inuu guddigan ka soo hormuuqdo berri oo Khamiis ah abaare 11-ka barqanimo.