Dowladda oo hal xarun ka soo saari doonto warbixinnada la xiriira El Nino

0
155

Dowladda dhexe ayaa shaacisay in la sameeyay xarun gaar ah oo loogu talagalay in la isugu dubarido faafinta warbixinnada la xiriira saameynta daadadka ka dhashay roobabka culus ee El Nino iyo siyaabaha looga falcelinaya.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaaday xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Dr. Raymond Omollo.
Xoghayaha ayaa xusay in qaybtan laga hirgeliyay xarunta ka jawaabidda musiibooyinka qaran ee daarta Nyayo House.
Waxaa uu intaasi ku daray in golaha barasaabyada dalka ee CoG iyo Hay’adda Laanqayrta Cas ee dalka laga codsaday inay iyagana kabaan dadaallada dowladda dhexe.
Omollo ayaa sheegay in dowladdu ay hadda mudnaan siinaysa sidii lagu badbaadin lahaa nolosha kenyaanka iyo yareynta saameynta daadadka.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo ilaa iyo hadda ay daadadka ku dhinteen 120 qof oo kenyaan ah.
Afarta ismaamul ee ugu daran dhanka saameynta ayaa kala ah Tana River, Garissa, Wajeer iyo Mandera.
Waxaa heegan sare la geliyay toban ismaamul oo kale sida Isiolo, Samburu, Kwale, Homabay, Makueni, Tharaka Nithi, Lamu, Taita Taveta, Meru iyo Kisumu .
Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sidoo kale sheegtay in ugu yaraan 89,000 oo qoysas ah ay ku barakaceen daadadka ku dhuftay 38 ka mid ah ismaamullada wadanka.
Dadkan ayaa hadda ku jiro xerooyin gaaraya 112 oo laga hirgeliyay dowlad deegaannada ay saameeyeen fatahaadaha.