Ururka qareennada dalka ee LSK oo doonaya in la xiro xildhibaanka Bariga Mumias

0
173

Ururka ay ku mideysan yihiin qareennada dalka ee LSK ayaa ku baaqay in waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ay si degdeg ah gacanta ugu dhigto mudanaha laga soo doortay deegaanka Bariga Mumias Peter Salasya.
Tani ayaa timid ka dib markii ay soo baxday eedeyn loo jeedinaya xildhibaanka oo ah inuu u hanjabay garsoore ku amartay inuu qof ganacsade ah siiyo deyn uga maqan siyaasigan oo ah 500,000 oo shilin.
Salasya ayaa ku eedeysan inuu u hanjabay garsoore Gladys Kiama.
Ganacsadaha deynta ku leh xildhibaanka ayaa lagu magacaabaa Robert Lutta.
Qarashka laga doonaya Peter Salasya inuu bixiyo ayaa isugu jiro amaahda , lacag dulsaar ah iyo qarashaadka dacwadda.
Lutta ayaa maxkamadda u sheegay inuu deyntan siiyay xildhibaanka Bariga Mumias 13-kii bishii 12-aad ee sanadkii 2022-kii.
Waxaa uu intaasi ku daray in xilligaasi ay ku heshiiyeen inuu deynta gudi doono labo bilood ka dib.
Warbixinta saldhigga booliiska ee ismaamulka Kakamega ayaa muujinaysa in Peter Salasya uu garsooraha kula kulmay bannaanka hore ee maxkamadda isagoo ugu hanjabay inuu dili doono.
Ururka qareennada dalka ee LSK ayaa hadda ku baaqaya in la dardargeliyo baaritaannada ka dhanka ah xildhibaanka si tallaabo sharciyeed looga qaado.
Madaxa LSK Eric Theuri ayaa sheegay in aynan marnaba aqbali doonin in la cabsi geliyo saraakiisha waaxda garsoorka.