Madaxa isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya ,Raila Odinga ayaa sheegay inuu Khamiista soo socoto ka hadli doono warbixintii uu maalmo ka hor soo saaray guddiga qaran ee wada hadallada.
Waxaa uu xusay inuu go’aankiisa arrinkan ku aaddan shaacin doono ka dib marka ay kulmaan hoggaamiyaasha sare ee Azimio iyo xildhibaannada baarlamaanka iyo aqalka sare ku matalo mucaaradka.
Raila ayaa tilmaamay inay daraaseyn doonaan warbixinta ka dibna xubnaha isbeheysiga Azimio fursad loo siinaya inay ka doodaan ka hor inta aan qaraar laga soo saarin.