Qatar oo rajeynaysa in la sii kordhiyo heshiiska Israa’iil iyo Xamaas

0
182

Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Qatar ayaa sheegtay inay rajeynaysa in heshiiska u dhexeya Israa’iil iyo ururka Xamaas ee dalka Falastiin uu noqdo mid waara.
Afhayeenka wasaaraddan Majed al-Ansari, ayaa warbaahinta AlJazeera u sheegay inay rajeynayaan in muddada uu heshiiskan shaqeynaya mar kale la sii kordhiyo.
Is-afgaradkan oo markii hore loogu talagalay afar cishe ayaa shalay lagu daray labo maalmood oo kale.
Waxaa uu heshiiskan dhigaya in Israa’iil iyo Xamaas ay siidaayaan maxaabiista u kala xiran iyo in aan la is hortaagin gargaarka baniaadannimo ee la gaarsiinaya shacabka Qaza.
Al-Ansari ayaa xusay in Xamaas ay xaqiijisay in labo cishe gudahooda ay ku siidayn doonto 20 qof oo isugu jiro haween iyo carruur.
Sidoo kale waxaa xabsiyada Israa’iil laga saaraya 65 maxaabiis oo Falastiiniyiin ah.
Shalay ayay ahayd markii Xamaas ay siidaysay 11 maxaabiis halka Israa’iil ay fasaxday 33.