Ganaax lacageed oo la saaray barasaabka ismaamulka Kajiado

0
250

Aqalka sare ee dalka ayaa barasaabka ismaamulka Kajiado Joseph Ole Lenku ku ganaaxay lacag dhan 500,000 oo shilin.
Tani ayaa timid ka dib markii uu guddoomiyaha ku guul daraystay in uu hortago aqalka Senate-ka oo looga yeeray.
Guddiga senate-ka u qaabilsan dhanka waddooyinka, gaadiidka iyo kaabayaasha oo uu guddoomiye u yahay senetarka ismaamulka Kiambu Karungo Thangwa ayaa soo saaray amarka ganaaxa ah ee la dul dhigay barasaabka Kajiado.
Guddoomiyaha ayaa loo yeeray si wax looga waydiiyo dacwad ku saabsan bixinta warqadaha lahaanshaha ee guryaha laga iibsaday Jaamici Bora Estate ee Kisaju, ee ismaamulka Kajiado.
Mr. Thangwa ayaa xusay in huddiga uu u yeeray guddoomiye Lenku ka dib markii uu ka jawaabi waayay warqado dhowr ah oo arrintan ku saabsan oo uu ixtiraami waayay go’aanka looga yeeray aqalka sare .