Qatar oo sheegtay in heshiiska Israa’iil iyo Xamaas lagu kordhiyay labo cishe

0
242

Wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Qatar ayaa shaacisay in muddo labo cishe ah lagu kordhiyay heshiiskii ay wada gaareen Israa’iil iyo Xamaas.
Waxaa dhanka kale arrinkan soo dhaweysay dowladda Maraykanka
Afhayeenka golaha amniga qaran ee Maraykanka John Kirby ayaa sheegay inay rajeynayaan in muddada heshiiska la sii kordhiyo.
Waxaa uu sheegay in ururka Xamaas uu sheegay inuu labada cishe ee nagu soo aaddan soo siidayn doono 20 qof oo isugu jiro haween iyo carruur.