Militariga Israa’iil ayaa sheegay in 17 qof oo ahaa maxaabiis ay gacanta ku haysay Xamaas shalay la soo siidaayay ka dibna lagu wareejiyay hay’adda laanqayrta cas.
Tani ayaa qayb ka ahayd wareegga sadeexaad ee isdhaafsashada maxaabiista u kala xiran Israa’iil iyo ururka Xamaas.
Shalay ayay ahayd maalinkii saddexaad ee heshiis horay loo gaaray oo shaqeynaya afar cishe.
Dhanka kale garabka militariga ee Xamaas ayaa shaaciyay in taliye sare oo lagu magacaabo Axmed Al-Ghandour looga dilay Waqooyiga Qaza.
Dhawaan ayay ahayd markii ay Xamaas siidaysay 17 maxaabiis ah halka Israa’iil ay siidaysay 39.