Madaxweyne ku xigeenka Maraykanka oo booqanaysa Mexico

0
360

Ku xigeenka madaxweynaha Maraykanka Kamala Harris ayaa shaacisay in ay safarro ku mari doonto wadamada Mexico iyo Guatemala.
Haweeneydan ayaa xustay in ay dowladaha dalalkan la yeelan doonto wada-hadallo ku saabsan arrimaha socdaalka.
Waxay intaasi ku dartay in ay dibloomaasiyad adeegsan doonto si loo yareeyo tirada soo galootiga ee gudbaya xadka u dhexeya Maraykanka iyo Mexico.
Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden, ayaa ku xigeenkiisa u xilsaaray in ay hoggaamiso dadaallada ka dhanka ah soo galootiga ee kala dhexeya wadamada Mexico, Honduras, El Salvador iyo Guatemala .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here