Guddoomiyaha golaha suuqgeynta xoolaha nool ee dalka kana mid ah waxgaradka gobolka Waqooyi Bari Dubat Cali Camey ayaa ka hadlay saameynta daadadka.
Waxaa uu bulshada ugu baaqay inay isku gargaaraan oo aynan keliya dowladda dhexe , ismaamullada iyo hay’adaha samafalka ka sugin inay caawiyaan dadka ay waxyeelladu ka soo gaartay fatahaadda.
Dubat oo ku baaqay in Alle bari la sameeyo ayaa tusaale u soo qaatay ismaamulka Garissa oo uu sheegay inay ku nool yihiin dad badan oo gurmadka ka qayb qaadan karo.
Dubat Cali Camey ayaa dhanka kale ku taliyay in marka loo gargaaraya qoysaska ku barakacay daadadka aan la hilmaamin ka hor tagga xanuunnada saameyn karo xoolaha .