Maxaabiis dheeraad oo la filaya inay maanta siidaayaan Israa’iil iyo Xamaas

0
177

Waxaa la rajeynaya in maanta uu billowdo wareegga labaad ee maxaabiista ay is dhaafsanayaan Israa’iil iyo Xamaas.
Shalay ayay ahayd markii uu ururka Xamaas ee Falastiin siidaayay 17 qof oo isugu jiray 13 u dhashay Israa’iil iyo 4 ka soo jeeda dalka Thailand.
Israa’iil ayaa dhankeeda siidaysay 39 maxaabiis oo Falastiiniyiin ah.
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in lala soo wadaagay liiska dadka ku jiro gacanta Xamaas ee maanta la siidayn doono.
Waxaa bayaanka ka soo baxay xafiiska Netanyahu ku xusan in liiskan ay eegayaan saraakiisha ammaanka iyadoo ehellada dadkanna lagu wargeliyay.