Mudanaha deegaan baarlamaneedka Bariga Embakasi ee ismaamulka Nairobi Paul Ongili oo loo yaqaano Babu Owino ayaa dowladda dhexe ku eedeyay inay ku fashilantay saxidda imtixaankii fasalka 8-aad ee dugsiyada hoose dhexe ee KCPE-da ee dhawaan natiijadii la shaaciyay.
Tani ayaa timid ka dib markii golaha imtixaannada qaran ee KNEC uu qiray in 133 ka mid ah ardaydii imtixaanka sameeyay maaddooyinka qaar laga siiyay buundooyin aan sax ahayn.
Madaxa fulinta ee golaha KNEC David Njengere ayaa sheegay inay cabasho uga timid arday buundooyin hoose ka soo hooyay qaar ka mid ah maadooyinka gaar ahaan luuqadaha Ingiriiska iyo Sawaaxiliga.
Golaha ayaa arday kasta oo cabasho ka qabo natiijadii uu helay ku wargeliyay inuu haysto 30 cishe oo uu cabashadiisa ku soo gudbinaya si arrinkan looga gudbo.