Guddiga wada hadallada qaran ee NADCO ayaa ugu dambeyn soo saaray warbixin laga sugayay .
Bayaanka guddigan waxaa ku cad in warbixinta qaab dhijitaal ah loola wadaagay madaxda isbeheysiyada Kenya Kwanza iyo Azimio La Umoja ee kala ah madaxweyne William Ruto iyo Raila Odinga.
Guddiga ayaa xusay inuu arrimo badan ku heshiiyay balse ay jiraan qodobbo kooban oo lagu kala aragti duwanaaday kuwaasoo loo bandhigay hoggaamiyaasha isbeheysiyada siyaasadeed ee muxaafidka iyo mucaaradka.
Guddiga wada hadallada qaran ee NADCO ayaa ku heshiiyay in qiimeyn dabagal ah lagu sameeyo geeddisocodkii doorashadii guud ee sanadkii hore.
Sidoo kale waxay ku talinayaan in dib u dhis iyo dib u habeyn lagu sameeyo guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada dalka ee IEBC.
Waxay ku talinayaan in la kordhiyo tirada xubnaha guddiga shaqaaleysiinaya saraakiisha cusub ee IEBC oo hadda ah 7 si looga dhigo 9 xubnood.
Sidoo kale waxay soo jeediyeen in muddada maxkamadda ugu sarreysa wadanka ee Supreme Court ay ku dhageysanaysa ka dibna go’aan uga soo saareysa dacwadaha ka dhasho natiijada doorashada madaxweynaha oo ah 14 cishe in laga dhigo 21 cishe.
Waxay sidoo kale soo jeediyeen in isbeddellada dhanka sharciga ee la meel mariyo wax ka yar 18 bilood ka hor xilliga doorashada guud in la sii adeegsado codeynta xigta.
Si loo yareeyo qiimaha sarreeya ee maciishadda , xubnaha ay kala hoggaaminayeen Kalonzo Musyoka iyo Kimani Ichung’wah ayaa ku taliyay in laamaha dowladda ee golaha fulinta, baarlamaanka iyo waaxda garsoorka ay miisaaniyadda uga baxdo safarrada yareeyaan boqolkiiba 50.
Guddiga musharaadka iyo gunnooyinka ee SRC ayay ku soo jeediyeen inuu boqolkiiba 30 dhimo lacagaha gunnooyinka ee shaqaalaha dowladda.
NADCO ayaa ku talinaysa in wasaaradaha tamarta iyo maaliyadda ay ka wada shaqeeyaan in canshuurta ku baxda dayactirka waddooyinka iyo ka hor tagga in aan shidaalka la wasaqayn halkii liitarba laga kala dhimo 5 iyo 3 shilin.
Guddigan ayaa sidoo kale soo jeediyay in dowladda dhexe ay dhameystirto daadajinta dhammaan howlaha hoos tago ismaamullada oo ayna ku wareejiso raasimaalka la xiriira.
Guddiga waxaa soo jeedinadiisa ka mid ah in baarlamaanka uu isbeddel ku sameeyo dastuurka dalka.
Tani ayaa la doonaya in miisaaniyadda dowladda dhexe ay siiso ismaamullada ee hadda ah boqolkiiba 15 in aynan ka yaraan boqolkiiba 20.
Sidoo kale waxay soo jeediyeen in la soo dhiso xafiiska rasmiga ee madaxa mucaaradka.
Hasa ahaate xubnaha guddiga wada hadallada qaran ayaan ku heshiin in canshuurta laga qaado shidaalka ee laga dhigay boqolkiiba 16 in lagu soo celiyo boqolkiiba 8 iyo lacagaha kenyaanka laga jaraya ee lagu biirinaya sanduuqa guriyeynta oo labaduba ku xusan xeerka maaliyadda ee sanadkan.