Wasiirka waxbarashada oo la filayo inuu maanta shaaciyo natiijada KCPE-da

0
522

Waxaa uu qorshuhu yahay in abaare 12-ka duhurnimo ee maanta shaaca laga qaado natiijada imtixaanka qaran ee fasalka sideedaad ee dugsiyada hoose dhexe ee KCPE-da.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha uu sheegay in natiijada la shaacin doono labo toddobaad gudahood.
Magoha ayaa ka hor inta uunan soo bandhigin natiijada warbixin la wadaagi doono madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta.
Natiijada maanta la shaacinaya ayaa ah midii sanad dugsiyeedkii 2020-kii oo ay ardayda sameyeen bishii hore saameynta uu cudurka COVID-19 ku yeeshay jadwalka waxbarasho ee wadanka awgeed.
Ardayda dhameeyay dugsiyada hoose dhexe ayaa la filayaa in bisha toddobaad ee sanadkan ay ku biiraan dugsiyada sare.
1, 181,725 oo arday ah ayaa imtixaanka shahaaddiga ee KCPE-da sameeyay intii u dhexeysay 22-kii ilaa 24-kii bishii saddeexaad ee sanadkan.