Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Israa'iil iyo Xamaas oo la filaya inay galabta maxaabiis is-dhaafsadaan

Israa’iil iyo Xamaas oo la filaya inay galabta maxaabiis is-dhaafsadaan

Waxaa lagu wadaa in abaare 5-ta galabnimo ee maanta la siidaayo 13 ka mid ah maxaabiista gacanta ugu jiro ururka Xamaas ee dalka Falastiin.
Tani ayaa timid ka dib markii uu si rasmi ah u dhaqan galay heshiis shaqeynaya afar cishe oo ay labada dhinac wada gaareen.
Garabka militariga ee Xamaas ayaa laga soo xigtay in si ku meel gaar ah loo joojin doono colaadda Waqooyiga iyo Koonfurta Qaza.
Tirada Falastiiniyiinta ee ay Israa’iil ku dishay Qaza tan iyo 7-dii bishii hore ee sanadkan ayaa gaartay 14, 854.
Tiradan waxaa ka mid ah 6,150 carruur iyo 4,000 oo haween ah.
Sidoo kale maamulka Qaza ayaa sheegay in la dhaawacay 36,000 ruux.
Dhanka Israa’iil waxaa laga dilay 1,200 halka in ka badan 240 kalena gacanta looga dhigay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments