In kastoo duqeymaha Qaza muddo la hakiyay ka dib heshiiskii la gaaray haddana Israa’iil ayaa weli weerarro ka wado Daanta Galbeed ee dalka Falastiin.
Ururka maxaabiista Falastiiniyiinta ayaa sheegay in qof 22 sano jir ahaa lagu dilay weerar laga gaystay magaalada Jericho.
Qof labaad ayaa u geeriyooday dhaawacyo ka soo gaaray weerar ka dhacay magaalada Tulkarem.
Warbaahinta caalamiga ee Aljazeera ayaa ku warramaysa in ciidamada militariga ee Israa’iil ay saaka dhowr qof ku xireen magaalada Tarqumiyah, ee galbeedka Hebron.
Tan iyo weerarkii ururka Xamaas ee 7-dii bishii hore , waxaa Daanta Galbeed lagu dilay ugu yaraan 231 qof oo Falastiiniyiin ah oo ay ka mid yihiin 6 maxaabiis oo ku geeriyooday xabsiga.