Waxaa dalka Mali safarkiisi ugu horreeyay ee dibadeed ku tagay hoggaamiyaha maamulka militariga ee wadanka Niger Abdourahamane Tiani.
Waxaa uu halkaasi kula kulmaya dhigiisa Mali Assimi Goita.
Bishii Toddobaad ee sanadkan ayay ahayd markii uu mas’uulkan hoggaanka Niger kula wareegay qaab afgembi militari ah.
Dowladaha dariska la ah Niger ee Mali iyo Burkina Faso oo ay labaduba hoggaamiyaan mas’uuliyiin militari oo hoggaanka qaab inqilaab ah ku qabtay sanadihii 2020-kii iyo 20220kii ayaa taageero u ballan qaaday dhigooda Niger.