Dowladda oo shaacisay in macallimiintii saxay KCPE-da la siiyay lacagahooda

0
259

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda waxbarashada ee dalka Belio Kipsang ayaa sheegay in dhammaan macallimiintii saxay warqadaha imtixaanaadka KCPE-da la siiyay lacagihii ay ku shaqeynayeen.
Waxaa uu ballan qaaday in sidoo kale macallimiinta sixi doono KCSE-da iyagana ay lacagahooda heli doonaan xilliga habboon.
Kipsang, ayaa intaasi ku daray in wasaaradda waxbarashada ee dalka ay kaashanaysa wasaaradda maaliyadda si dugsiyada aynan uga dib dhicin miisaaniyadda dhaqaale ee loogu talagalay xilliga koowaad ee sanad dugsiyeedka.