Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Mr. Ezekiel Machogu ayaa sheegay in sanadkan la diiwaangeliyay labo kiis oo ah khiyaano ama xatooyada imtixaanaadkii fasalka 8-aad ee dugsiyada hoose dhexe ee KCPE-da oo maanta natiijadiisa lagu dhawaaqay.
Waxaa uu wasiirka sheegay in hal arday lagu helay waxyaabo uu sii qortay halka midka labaadna uu haystay taleefoonka gacanta.
Machogu ayaa xusay in imtixaankan uu qabsoomay intii u dhexeysay 30-kii Oktoobar ilaa 1-dii bishan .
Talaadadii ayay ahayd markii wasiirka laga soo xigtay in aan la soo tabin khiyaano marka laga soo tago kiisas iskuday ah oo gaarayay 6.