India oo laga xaqiijiyay in ka badan 200 kun oo ah xaaladaha cusub ee corona

0
367

Wasaaradda caafimaadka ee dalka India ayaa sheegtay in markii ugu horreysay ay hal maalin gudaheed xaqiijisay ugu yaraan 200,000 oo ah kiisaska cusub ee cudurka COVID-19 .
Tirada xaaladaha ay wasaaraddu diiwaangelisay 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay ayay ku sheegtay 200,739.
Waxaa sidoo kale gudaha wadanka India cudurka ugu dhintay 1,038 qof oo dheeraad ah tani oo dhimashada guud ee ka dhalatay COVID-19 ka dhigtay 173,123.
Tirada guud ee xaaladaha caabuqa corona ee India ayaa hadda ah 14.1 milyan waxaana ka horreeya keliya Maraykanka oo ilaa iyo hadda laga diiwaangeliyay 31.4 milyan oo xaaladood.