Israa’iil oo sheegtay inaynan maxaabiista Qaza siidayn doonin ka hor Jimcada

0
194

Sarkaal u hadlay Israa’iil ayaa sheegay in ka hor Jimcada aan xabsiyada laga siidayn doonin maxaabiista laga qabtay Qaza.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo qoysaska dadka u xiran Israa’iil ay walaac ka muujinayaan dib u dhaca ku yimid dhaqangelinta heshiiskii la gaaray.
Dhawaan ayay ahayd markii Israa’iil iyo Xamaas ay ku heshiiyeen in afar cishe gudahooda la is dhaafsado maxaabiista u kala xiran.
Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa mar kale sheegay in duullaanka militari uu sii socon doono.
Waxaa uu ballan qaaday in dhammaan maxaabiista ay Xamaas gacanta uga dhigtay Israa’iil in ay qoysaskooda dib ugu soo laaban doonaan.
In ka badan 14,500 oo qof ayaa lagu dilay duqeymaha Israa’iil ee Qaza tan iyo 7-dii bishii hore ee Oktoobar.