DHAGEYSO:Maamulka KeNHA oo digniin ka soo saaray qayb ka mid ah waddada Thika ilaa Garissa oo go’day

0
225

Maamulka qaran ee qaabilsan dhisidda waddooyinka waawayn ee (KeNHA) ayaa qoraal uu soo saaray waxaa uu dadweynaha ku wargeliyay inuu ciriiri dhanka isku socodka gaadiidka ah saameeyay waddada u dhexeysa Thika ilaa iyo Garissa.
Tani ayaa timid ka dib markii waddadan ay ka go’day aagga loo yaqaano Areer oo qiyaastii 41 kiilomitir u jirta magaalada Bangal ee ismaamulka Tana River.
Waxaa bayaanka ku cad in biyaha daadadka ka dhashay roobabka culus ee El Nino ee da’aya ay xireen dhanka midig ee waddada.
Gaadiidleyda ayaa lagu boorriyay inay dulqaad muujiyaan oo ay sugaan inta ay biyaha ka yaraanayaan ka hor inta aynan sii wadan safarradooda.
KeNHA ayaa intaasi ku dartay in shaqaalaheeda ay goobta ku sugan yihiin si loo fududeeyo isku socodka gaadiidka.
Rakaabka ay arrintan saameysay ee halkaasi ku xayiran waxaa ka mid ah guddoomiyaha dalladda hoggaamiyaasha muslimiinta ee dalka ee NAMLEF laanteeda ismaamulka Garissa Sheekh Xasan Cabdullahi Cameey oo abaare 11-kii barqannimo ee maanta khadka taleefoonka ugu warramay Mowlid Maxamad Shuuriye.