Maamulka KEMSA oo loo qoondeeyay 2 bilyan oo shilin

0
231

Baarlamaanka dalka ayaa miisaaniyad dheeraad ah oo uu ansixiyay waxaa uu 2 bilyan oo shilin ugu qoondeeyay maamulka qaabilsan soo iibinta iyo qaybinta agabka caafimaad ee (KEMSA).
Tani ayaa la doonaya in sare loogu qaado adeegyada maamulkan.
Guddoomiyaha guddiga maamulo KEMSA ,Irungu Nyakera ayaa wasiirrada iyo saraakiisha sare ee waaxyaha 47-da ismaamul ee dalka u sheegay in lacagtan si gaar ah loogu qarash gelin doono in lagu soo iibiyo badeecooyinka caafimaadka iyo agabyada tiknolojiyadeed ee loo baahan yahay.