DHAGEYSO:Barasaabyada Mombasa iyo Siaya oo beeniyay in dowladda dhexe ay lacago ku wareejisay

0
203

Barasaabka ismaamulka Mombasa Cabdulswamad Shariif Naasir iyo dhigiisa Siaya James Orengo ayaa beeniyay hadal uu jeediyay madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua.
Tani ayaa timid ka dib markii hoggaamiyaha labaad ee Kenya uu sheegay in ismaamullada lagu wareejiyay ilaa 10 Bilyan oo shilin oo ay u adeegsan karaan la tacaalidda saameynta ka dhalatay daadadka.
Hasa ahaate labada mas’uul ayaa arrinkan waxba kama jiraan ku tilmaamay.