Shirkadda warbaahineed ee Al Mayadeen TV ee ku taalla caasimadda dalka Lubnaan ee Beirut ayaa shaacisay in saddex qof lagu dilay duqeymo ka dhacay meel u dhow xadka Israa’iil iyo Lebanon.
Telefishinka ayaa shaaciyay in labo ka mid ah dadka dhintay ay ahaayeen howlwadeenadiisa.
Magacyada howlwadeennadan ayaa lagu kala sheegay wariye Faarax Cumar iyo sawir qaade Rabih Maamari.
Telefishinkan oo ay leedahay dowladda Lubnaan ayaa tabiyay in weerarka ay saddexda qof ku dhinteen oo lagu tilmaamay duqeyn cadow uu ka dhacay aagga Tayr Harfa .