Kooxda Xuutiyiinta ee ka soo horjeedda dowladda dalka Yemen ayaa sheegtay inay qabsatay markab laga leeyahay Israa’iil oo ay adeegsanaysay shirkad Japanese ah.
Markabka ayaa lagu afduubtay badda cas waxaana gacanta lagu dhigay 25 qof oo ka shaqeynayay.
Xuutiyiinta ayaa intaasi ku daray in milkiilaha markabkan uu yahay ganacsade u dhashay Israa’iil waxayna u wareejiyeen dhanka xeebta Yemen.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dowladda Japan ay si toos ah u wajahday Xuutiyiinta.
Tani ayaa ku soo beegmaysa maalmo un ka dib markii ay kooxdaasi ku hanjabtay inay bartilmaameedsan doonto maraakiibta Israa’iil iyadoo ka falcelinaysa duqeymaha ka socdo marinka Qaza.