Alle ha u naxariistee waxaa ismaamulka Garissa ku geeriyooday maamule ku xigeenkii dugsiga hoose dhexe ee Masalani ee deegaanka Ijara Axmadnuur Ismaaciil ka dib saameyn ka soo gaartay qaybaha wareega ee diyaaradda ka caawiya inay duusho.
Diyaaradda ayaa ahayd nooca qummaatiga u kacda ee Helikobtarka.
Guddoomiyaha dowladda dhexe u qaabilsan ismaamulka Garissa, Solomon Chesuti ayaa dhacdadan xaqiijiyay wuxuuna sheegay in macallinka uu ka mid ahaa barayaasha ilaalinaya ardayda sameynaya imtixaanka fasalka 4-aad ee dugsiyada sare ee (KCSE) oo ay dhibaatadan soo gaartay ka dib markii uu warqadaha imtixaanka ka soo qaaday xafiiska guddoomiye ku xigeenka dowladda ku matalo halkaasi.
Chesuti ayaa intaasi ku daray in macallinka geeriyooday uu u dhawaa diyaaradda xilli ay kaceysay sidaasina ay waxyeello uga soo gaartay.
Waxaa uu xusay in warqadaha imtixaanka loo waday dugsiga sare ee Masalani.
Ciidamada booliiska ayaa hadda arrinkan baaritaano ku sameynaya wuxuuna qorshuhu yahay in meydka macallinka lagu wareejiyo ehelladiisa si loo aaso.
Waxaa sidoo kale dhacdadaasi xaqiijisay afhayeenka booliiska dalka Dr. Resila Onyango in kastoo aynan faahfaahin dheeraad ah bixin.
Waxaa geerida macallinka ka tacsiyadeeysay xildhibaan Falxada Deeqoow Iimaan oo ka mid ah mudanayaasha golaha xeer dejinta ee bariga Afrika ee EALA.
Waxaa tacsi tani la mid ah ehellada iyo qoyska uu ka baxay u diray Dubat Cali Camey oo ka mid ah waxgaradka ismaamulka Garissa.
Tani ayaa imaanaysa ka dib markii dhawaan labo diyaaradood ay ku soo dhaceen ismaamulka Wajeer.
Mid ka mid ah shilalkaasi ayaa waxaa ku dhaawacmay saddex qof oo uu ku jiro wakiilka deegaanka hoose ee Arabajahan ahna hoggaamiyaha aqlabiyadda ee golaha hoose ee Wajeer Cabeey Jimcaale.