Waxaa ilaa 22-ka bisha 12-aad ee sanadkan xabsiga ku sii jiri doono baadariga kaniisadda Good News International ee ismaamulka Kilifi Paul Mackenzie iyo eedeysanayaasha kale.
Dadkan oo gaaraya ilaa 29 qof ayaa loo haystaa inay ka dambeeyeen meydad laga helay keynta Shakahola ee dowlad deegaankaasi.
Dadka dhintay ayaa la rumeysan yahay inay taabacsanayeen kaniisadda uu baadarigan hoggaamiyo oo uu kula taliyay inay cuntada iyo biyaha ka af xirtaan ilaa ay ka geeriyoodeen.
Meydadka laga helay keynta Shakahola ayaa kor u dhaafaya 420.